Shir looga hadlay dhismaha garoonka Diyaaradaha oo ka dhacay Buuhoodle (Sawiro & Codad)

?

Buuhoodle, Nov 29, Kulan looga hadlayo sidii bulshada gobolka Cayn u dhamaystiri lahaayeen Garoonka diyaaradaha ee magaalada Buuhoodle ayaa waxaa kasoo qayb galay, Cuqaal, Qurbajoog Aqoon yahan, Haween iyo qayabaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Cayn.
?
Shirkan oo au qaban qaabiyeen gudiga gacanta ku haya dhamaystirka dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Buuhoodle ayaa la la isku dhaafsaday fikrado ku aadan sidii loo dhamaystirilahaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Buuhoodle oo mudo sadex sano ka badan dhismihiiso socdo.
?
Ugu Horayn halkaasi waxaa ka hadlay Axmed Cabdi Gurey oo kamid ah gudiga gacanta ku haya dhismaha garoonka.
Xasan Faarax Baad oo gudoomiye u ah gudiga dhisaya garoonka Diyaaradaha ee Buuhoodle ayaa marxaladihii oo garoonku soo maray iyo caqabadaha taagan ka warbixiyey isagoo ku baaqay in si deg deg ah loo dhamaystiro Garoonka diyaaradaha ,
?
Intaasi kadib waxaa hadalka isaga danbeeyey Cuqaal, Odaytaal, Haween iyo Waxgrad kuwaasoo dhamaantood isku raacay in la dhamaystiro garoonka,
?
Odayaashii shirka kasoo qayb galay ayaa goobta iskaga qoray xoolo loogu tubucay Garoonka oo ah 300 oo neef oo ari ah waxaana gudiga Garoonku sheegeen in dadka deegaanka laga aruurinayo kun neef iyadoo gacansada iyo qurbajoogtana laga sugayo dhaqaale lacageed marka dadka xoolaha dhaqatada ahi keenaan xoolo.
?
Diiwaanka Wararka?
Radio Daljir
(B)
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
\"\"
?
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com