Shir looga hadlay dayactirka garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf oo maanta Gaalkacyo dhacay.

Gaalkacyo, 29-Nov- Waxaa maanta hoolka shirarka ee garoonka C/laahi Yuusuf ee Gaalkacyo lagu qabtay kulan ballaaran oo ay ka qayb galeen maamulka garoonka, kan degmada Gaalkacyo, maamulka gobolka, iyo wafdi ka socday wasaaradda duulista hawada iyo garoomadda oo uu hogaaminayay ku simaha wasiirka.


Xubnahan ayaa intii aysan saxaafadda oga warbixin qiimaynta dayactirka garoonka iyo shaqooyinkii horay looga qabtay ka hor waxay ku soo wareegeen jidka ay diyaaraduhu ku ordaan kaasoo qayb ka mida dhawaan lagu sameeyay dayactir iyo qayb ka mida oo la sheegay in ay u baahan tahay dib u habayn dhawaana bulshada loo ban-dhigi doono ka qayb qaadashadiisa.


Masuuliyinta isugu jira heer xukuumadeed iyo heer gobol ayaa kormeerkooda ka dib waxay kulan ay ku faah-faahiyeen hawsha garoonka ka socota iyo qiimaynta dayactirka ku qabteen hoolka shirarka ee garoonka, waxaana ugu horayn kulanka furay oo si guud u baal maray marxaladihii uu garoonka soo maray iyo hada heerka uu marayo ka warbixiyay maareeyaha Gagida Siciid C/raxmaan (Dhaga-weyne), maareeyaha ayaa xusay in garoonku uu maray heer ay isticmaali karaan Soomaali oo dhan hase ahaatee uu u baahan-yahay in laga sameeyo dayactir iyo dibu-habayn si uu u noqdo garoon lagu soo hirto kana sii hor-maro heerka uu hada marayo.


Agaasimaha guud ee wasaaradda duulista hawada iyo garoomada PL Marwo Siciido Xuseen Cali ayaa iyaduna dhankeeda tilmaamtay hawsha adag ee garoonka ka socota inay ku timid dadaal ay sameeyeen saraakiisha gacanta ku haya, waxayna shirkadda Isxilqaan oo iyadu dayactirka qayb ka mid jidka diyaaraduhu ay ku soo dagaan lahayd ku boorisay inay intaasi ka sii badiyaan gacanta ay ka gaysteen, masuul ka socday shirkada Isxilqaan iyo Enjineerkii naqshada dhismaha lahaa ayaa iyaguna kulanka hadalo ka jeediyay waxayna warbixin kooban ka bixiyeen marxaladihii ay hawshaasi la soo martay iyo sida ay ugu danbayn ugu guulaysteen.


Duqa Gaalkacyo Col, Siciid Cabdi Faarax ayaa xusay in ka dawladda hoose ahaan ay gacan ka gaysanayaan dayactirka iyo dhismaha waddoyinka gagida wuxuuna bulshada ku booriyay inay ka qayb qaataan, Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa bulshada gudaha ku nool iyo qurba joogtaba wuxuu ugu baaqay inay gacan muuqata ka gaystaan hormarinta dalka gaar ahaan garoomada oo uu sheegay inay tahay waxa ugu horeeya ee laga qiimeynayo dalka iyo bulshada, gudoomiyaha wuxuu sheegay garoonka Gaalkacyo inay isticmaalaan dhamaan Soomaalida oo dhan uuna yahay garoon loo baahan-yahay in laga wada qayb qaato hormarintiisa.


Ku simaha wasiirka duulista hawada iyo garoomadda C/qani Geele Maxamed ayaa kulanka soo xiray intuusan hadal kooban jeedin wasiir ku xigeenka wasaaradda Bashiir Maxamed Jaamac, ku simaha ayaa tilmaamay garoonka inuu ka muuqdo hormar loona baahan yahay in laga sii siyaadiyo intaasi, wuxuuna intaasi ku daray in dawladdu ay waddo qorshayaal lagu hormarinayo garoomadda kaasoo ay hormuud ka tahay wasaaradda duulista hawada iyo garoomadda, gabagabadii C/qani ayaa maamulka degmada u tilmaamay dhismaha wadada dhanka magaalada ka soo gasha garoonka.


Kulankan waxaa xigi doona kulamo kale oo maalinta jimcahaa u balansan yihiin maamulka, wasaaradda iyo ganacsatada kaasoo lagu qiimaynayo sida ugu habboon ee looga qayb qaadan karo dhismaha iyo dayactirka garoonka C/laahi Yuusuf oo muhiim u ah dhamaan bulsha weynta Soomaaliyeed iyo caalamkaba, waxaana maalin walba ka soo daga diyaarado ganacsi iyo kuwo hay’adaha.


Diiwaanka wararka daljir


(S)

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com