Shir looga hadlaayay joojinta xaalfuka oo ka dhacay KGS.

Shir looga hadlaayay joojinta xaalfuka oo ka dhacay KGS.

Shirkan Looga hadlayo joogteynta yareynta isticmaalka dhuxusha, JoojintaDhoofka Dhuxusha iyo Sidii shaqooyin kale loogu abuuri lahaa dadka ku howlan xaalufinta dhirta ayaa socon doona oo muddo laba maalin ah, waxaana furitaankiisa ka qeyb galay madaxweynaha DKG Soomaliya, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS, Wasiirada Arimaha deegaanka ee Dowlad Gobaleedyada dalka iyo aqoonyahano ku xeel dheer dhanka deegaanka.

Wasiirda Dowlad Gobaleedyada ee shirka kasoo qeyb galey ayaa isla qirey in ay waajib tahay in wax laga qabto xaalufka deegaanka, Joojinta Dhoofka Dhixusha iyo in shaqo abuur loo sameeyo dadka dhir jarista ku xoogsada ee nolosha ka raadiya.

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukumada Federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Ayaa sheegay in uu shirkan biloow u yahay barnaamijyo ay Wasaaraddu ugu talogashay in looga hortago xaalufinta dhirta iyo in bulshada laga wacygaliyo qataraha laga dhaxli karo xaalufinta deegaanka oo hadaan laga hortagin oo aan meel looga soo wada jeesan sababi kara qataro badan sida abaaraha iyo fatahaadaha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com