Shir lagula xisaabtamayay Hayadaha dowaladda oo Garowe lagu so Gaba-Gabeeyay

Sabti, Janaayo 02, 2016 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Caawa 02-Jan-16 soo xiray shirkii isla-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda, shirkaas oo maanta 15-wasaaradood iyo labo hay’adood ay kusoo bandhigeen wax-qabadkoodii sannadki tegey ee 2015-ka.

Dhammaan hay’adihii kala duwanaa ee Dawladda oo maanta soo bandhigay wax-qabadkoodii ayaa waxaa su’aalo la-xiriira shaqooyinkooda weydiinayey intii shirku socdey Madaxweynaha Dawladda Puntland, Madaxweyne ku-xigeenka, Golaha Wasiirada iyo xeeldheerayaal kala socda ururada kala duwan ee bulshada kuwaas oo kasoo qayb galay shirka.

Shirka oo socon doona muddo labo maalmood oo dambe ah ayaa maalinimada beri ah waxa lagu soo bandhigi doonaa wax-qabadkii qaybo kamid ah Hay’adaha Dawladda kuwaas oo aan weli bandhigin waxyaabihii u qabsoomay.

Sidoo kale maalinta ugu dambaysa ee 04-Jan-2016 ayaa qorshuhu yahay in Hay’adaha Dawladda Idil ahaantoodba ay soo bandhigaan qorshe hawleedkooda sannadkan cusub ee 2016-ka iyo wax-yaabaha ay hiigsanayaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku tilmaamay ujeedka barnaamijkani in ay tahay in bulshada iyo dawladdu ay isu muuqdaan islamarkaasna ay bulshadu ogaato halka ay marayaan shaqooyinka  baaxadda leh ee ay dawladdu u hayso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli  Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale xusay barnaamijkani in uu dar-dar gelin doono shaqada ay dawladdu u hayso bulshada maadaama oo dawladda Puntland ay tahay mid ku dhisan wadatashi iyo isla-xisaabtan isla markaasi shacabka Puntland ay yihiin kuwo laxisaabtami doona Dawladdooda.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com