Shilling Soomaaligii oo Markale Garoowe Laga Diidey iyo Banaanbax Socda

Shilling Soomaaligii oo Markale Garoowe Laga Diidey iyo Banaanbax Socda

Magaalada Garoowe ayaa lagu soo waramayaa inay hadda ka socdaan banaabaxyo shicibka magaaladu kaga soo horjeedaan tallaabada ganacsatadu ay saaka ku diideen qaadashada lacagta shillinka Soomaaliga ah.

Waxaa xiran inta badan xarumaha ganacsiga ee magaalada Garoowe iyadoona boqolaal shacab ah ay u diideen ganacsatadu inay furaan xarumohooda inta ay ka ogolaanayaan qaadashada lacagta shillinka Soomaaliga gaar ahaan midda duugowdey.

Xoghayaha dowladda hoose Cabdiqafaar Cabdiraxmaan ayaa waxa uu sheegay in si deg deg ah laysugu imaan doono shir deg deg ah oo arrinkaasi looga hadlayo.

Maamulka gobolka, kan degmada iyo ganacsatada ayaa horay u gaarey heshiisyo lagu xallinayo arrintaasi oo muddo labo todobaad ah lagu dhaqmayey, waxaase ay u muuqataa in ganacsatadu jebiyeen awaamiirtii iyo qodobadii lagu heshiiyey.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com