Shil khasaaro Dhimasho sababay oo ka dhacay gobolka Gedo

Somalia, December 10, 2015-(Daljir)_ 7 Ruux ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay duleedka Baardheere ee gobolka Geddo, isagoo kusii jeeday baardheere islamarkaana ka yimi deegaanka ceelgaduud.

Tog lagu magacaabo Biya Xireenka oo ku yaal Waqooyiga Baardheere ayaa la sheegay inuu gaari ku gadoomay,gaariga ayaa noociisa lagu sheegay baabuurta Soomaalidu u taqaan Dhaynaha.

7 Ruux ayaa ku dhaawacmay waxaana laga soo dayrinyaa Afar kamid kuwaas oo hada lagu dabiibayo isbitaalka guud ee Baardheere.

Degmada Baardheere ayaa kamid ah meelaha dhawaan laga saaray Alshabaab waxaana ka socda degamda hormar ay dadka deegaanku dareemeen wadooyinka ayey sheegeen marar hore in loo hagaajiyo inkasto maamulka Jubbaland uu hada ku howlan yahay Amaanka iyo adeegyada kale ee nolosha asaasiga u ah.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com