Shil Gaari Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka Dhacay Cali Sabiix, Carmo

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay deegaanka Cali Sabiix oo degmada Carmo u jirta 40 KM.

Shilka waxaa ku dhintay wiil dhowr iyo labaatan jir ah iyo ilmo yar oo da’diisa lagu qiyaasay 6 sano jir, waxaana ku dhaawacmay 8 qof. Dhaawaca waxaa hadda lagula tacaalayaa cisbitaalka degmada Carmo.

Shilkan ayaa dhacay markii ay isku dhaceen gaadiid ka kala yimid Bossaso iyo deegaanka Cali Sabiix.

Cabdiqaadir Cabdiullaahi waa Agaasimaha Cisbitaalka Degmada Carmo wuxuuna u waramay wariye Xasan Heykal.

Hoos ka dhegayso

  


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com