Site icon Radio Daljir

Shil gaari oo ka dhacay inta udhexaysa Qardho iyo deegaanka Alxamdulilaah

Gaari xamuul ah oo siday xoolo isgu jiray Geel iyo Ari ayaa ku dhacay maanta inata udhexaysa magaalada Qardho iyo deegaanka Alxamdulilaah.

gaarigan oo noociisa uu ahaa Candameele ayaa ku sii jeeday magaalada Bosaaso si halkaasi looga dhoofiyo xoolaha uu siday,lamana oga ilaa iyo haatan sababta shilkan dhalisay.

waxaa hakad ku yimid gaadiidkii isaga kala gooshi jiray gobolada Puntland maadaama uu gaarigu uu ku dhacay bartamaha waddada.

Saddax kamid ah dadkii la socday gaariga shilka galay ayaa ku dhaawacmay, waxaan sawiro laga soo qaaday ay muujinayaan xoolihii uusiday gaarigan oo dhulka daadsan.

Shilalka gaadiidka ee ka dhaca inta udhexaysa magaalooyinka Bosaaso iyo Garoowe ayaa soo badanaayay waxayna shilalkaasi ay dhaliyaan khasaare isgujira dhimasho iyo dhaawac.

Exit mobile version