Shil gaari oo ay ku dhaawacmeen Soomaali iyo Itoobiyaan oo ka dhacay duleedka Waaciya

Qardho,25 -9-qof oo la socday gaari wayn oo nooca xamuulka qaada ah ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay wadooyinka isku xira degmooyinka Waaciye iyo Qardho ee gobolka Karkaar.

Dadka dhaawacmay ayaa dhalasho ahaan kasoo kala jeeda Soomaali iyo qowmiyadda Oromada ee wadanka Itoobiya.

Isbitaalka wayn ee magaalada Boosaaso ayaa lasoo gaarsiiyay laba ka mid ah dadka ku soo dhaawacmay shilka gaari oo wararku ay tilmaamayaan inay xaaladooda caafimaad ay aad u liidato,halka todobo ka mid ah dhaawacyadana lagu baxnaaniyo isbitaalka guud ee magaalada Qardho.

Gaariga ay lasocdeen dadka dhaawacmay ayaa kusoo jeeday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Diiwaanka Wararka
Daljir,Bossaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com