Shiine Akhiyaar oo kasoo dhex-muuqday kulanka fanka qaarada Africa ee dalka Maraykanka (Daawo Sawiro)

Minneosota, Aug 11 – Abwaanka kooxda waayaha cusub ahna fannaan Soomaaliyeed Shiine C/llaahi Cali ‘Shiine Akhiraar’ ayaa kaalin mug-leh ka qaatay kulan-faneed lagu qabtay Minneosota, kaasi oo maraykanku ku casumay 24 wadan oo ka tirsan qaarada Africa.

Shiine Akhiyaar ayaa dawladda Maraykanku waxay u dooratay inuu noqdo shaqsiga fannaanka ah ee Soomaaliya uga qayb-galaya kulan-sharafeedkaasi, waxaana arrintaasi ay farxad-galisay barbaarta dhalinta waayaha cusub oo ah koox-faneed Soomaaliyeed oo ka dhisan magaalada Nairobi, iyo bulshada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Maraykanka.

Dhinaca kale, Abwaan Shiine Akhiyaar ayaa tagitaankiisa Maraykanka uga faa’iidaysanaya dar-dar-galinta munaasabadaha loogu magac-daray “Sunrise Tour” oo laga hirgalin-doono magaalada Newsyork, taariikhdu markay ku beegan-tahay 22 bishaan August.

Wararka ay idaacadda Daljir ka helayso guddiga qaban-qaabada barnaamijka “Sunrise Tour” ayaa tilmaamaya in taariikhdu markay ku beegantahay 24-ta bisha Octobar in magaalooyinka Washinton iyo Moqdisho lagu qaban-doono barnaamijka “Sunrise Tour” oo lagu soo bandhigi-doono barnaamij-faneed si heer-sare ah loo soo agaasimay. Waxaana qaban-qaabada barnaamijyadaasi oo idil qaybta ugu wayn ku leh Radio Daljir, Radio SPR, iyo Humanatarian Bazaar.

Soomaalida ku dhaqan Maraykanka ayaa si wayn usoo dhaweeyay guddoomiye-sharafeedka kooxda (Waayaha Cusub) Shiine C/llaahi Cali ‘Shiine Akhiyaar’, waxaana loo dhigay xaflado kale-duwan oo lagu soo bandhigay dhammaan heesihii kooxda bar-baarta (Waayaha Cusub).

Maxamed C/llaahi Cali ‘Kooshin’
Radio Daljir.

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

Maxamed C/llaahi Cali ‘Kooshin’
Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com