Sheekh shariif Madaxweynihii hore ee Somaaliya oo hambalyada Ciidka diray

HomeWararka

Sheekh shariif Madaxweynihii hore ee Somaaliya oo hambalyada Ciidka diray

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay iscaawiyaan inta lagu gudajiro maalmaha Ciida,maadaama Sa

Warbixin lagu Falaanqaynayo Shirka Soomaaliya ee London (dhegayso)
Munaasibada 1da Ogosto oo Caawa Garoowe ka dhacaysa iyo RW Kheyre oo ka qaybgalaya
Saaka & Dunida iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe ( dhegayso)

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay iscaawiyaan inta lagu gudajiro maalmaha Ciida,maadaama Sanadkaan Xaalad adag ay dalka ka jirto.

Sheekh Shariif oo hambalyada maalmaha Ciida u diray Shacabka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale u soo jeediyay in ay kaa qaataan talooyinka Caafimaadka si looga hortaggo in uu dalka ku faafo Cudurka COVID 19.

“Waxaan dhammaan umadda Soomaaliyeed usoo gudbinayaa hambalyada munaasabadda ciidul fitriga meel kasta oo ay joogtaan, Allaha naga wada aqbalo cibaadadii bisha barakaysan ee Ramadan” ayaa yiri Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Farxadda ciidda sanadkan xaqiiqdii waa ka duwan tahay sanadihii hore oo waxay kusoo aaday xilli aad u adag oo cudurka COVID19 awgiis caalamkii oo dhan uu la dhibaateysan yahay, sidaa darteed waxaan markale idiin soo jeedinayaa in la qaato tilmaamaha howlwadeennada caafimaadka oo ah in la xaddido kulamada iyo xafladaha la isugu imaanayo si looga hortago faafista cudurka”

Waxaa uu ku baaqay Ugu dambeyntii “Munaasabaddan waxaan uga faa’iideysanayaa in la xusuusnaado dadka masaakiinta ah, lana taageero, kaalmana loo fidiyo In sha Allah”

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: