Sheekh Shariif iyo Sharmarke oo ku Sugan Dubia kana Hadlay Qarixii Zoobe iyo Arimo kale

Sheekh Shariif iyo Sharmarke oo ku Sugan Dubia kana Hadlay Qarixii Zoobe iyo Arimo kale

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Dowladdii KMG, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’isul-wasaarihii hore, Cumar C/rashiid ayaa booqasho ku jooga magaalladda Abu Dhabi, si ay Madaxda dalka Imaaraadka Carabta uga mahad celiyaan Taageeradad xooggan ee dhinaca Samafalka ee ay u fidiyeen dadkii ku dhaawacmay qarixii bishan 14-dii ka dhacay Isgoyska Zoope ee magaalladda Muqdisho.

Sheekh Shariif oo Saxaafadda kula hadlay Safaaradda Somalia ku leedahay magaalladda Abu Dhabi waxa uu ku bogaadiyey Dowladda Imaaraadka kaalinta sare ee ay ka qaadanayaan Gurmadkii loo fidinayo dadkii ku dhaawacmay Qarixii Zoope.

Waxa uu si gaar ah ugu mahad celiyey Madaxweynaha dalka Imaaraadka, Shiikh Khaliifa Bin Zayid Al-nahyaani iyo guud ahaan Madaxda dalkaasi sida ay u garab istaageen, una taageerayaan dadka Soomaalida ee ku dhaawacmay Qaraxaasi.

Sidoo kale, Ra’isul-wasaarihii hore, Cumar C/rashiid oo la hadlay Saxaafadda waxa uu tilmaamay inay Dowladda Imaaraadka ka mid ahayd Dowladihii ugu horreeyey ee Gurmadka u fidiyey dadkii ku dhawaacamay qarixii Zoope, isla markaana ballan qaaday daaweynta 100 Bukaan iyo Daryeelka 300 qoys oo ka mid ah dadkii ay ehelkooda ku geeriyoodeen Qaraxaasi.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com