Sheekh Mukhtaar Roobow oo Isudhiibey Maamulka Koonfur Galbeed iyo DFS

Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed Nuuradiin Abuukar, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Sheekh Mukhtaar Roobow uu isku dhiibay Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu xusay in ciidamada dowladda ay ka wadeen Abal, haddana ku sii socdaan Xudur.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in Wadahadal ay la galeen Sh. Mukhtaar uu ku oggolaaday in uu tago magaalada Xuddur, halkaas oo uu ku sii sugnaanayo.

Inta badan Ciidamadiisa ayaa looga soo tagay Abal sida uu sheegay Afhayeenka Koonfur Galbeed, Nuuraddiin,waxaana uu sababta ku sheegay in ay halkaas u joogaan sidii ay ula dagaallami lahaayeen Al-shabaab.

Dhinaca kale, kooxda Alshabab ayaa sheegtay inuu Abuu Mukhtaar Roobow isku dhiibay gacanta ciidanka Itoobiya ee ku sugan gobolka Bakool  kadib markii laga awood roobaaday dagaalkii Abal.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com