Sheekh Mukhtaar roobow ma Xabsi guri ayaa loo Wareejiyeey?

Sheekh Mukhtaar roobow ma Xabsi guri ayaa loo Wareejiyeey?

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo muddo sagaal bilood ku xirnaa xabsi ay leedahay Hey’adda Nabadsugida loo wareejiyay Xabsi Guri, kaasoo si gaar ah amnigiisa loo ilaalin doono.

Sida wararku sheegayaan tallaabadan ayaa ka dambeysay dadaalo iyo wada hadalo muddo socday oo la xiriira sidii loo sii deyn lahaa, balse markii dambe dowladdu ogolaatay in laga saaro xabsiga Hey’adda Nabadsugida, loona wareejiyo Xabsi guri.

Wararka ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow la dejiyay guri ku yaala Madaxtooyada, halkaasoo habeenkii xalay ahaa uu ku hoyday, sagaal bilood kaddib oo uu ku xirnaa Xabsiga ay maamusho Hey’adda Nabadsugida.

Sidoo kale waxaa loo fasaxay inay la kulmaan oo ay booqdaan eheladiisa iyo siyaasiyiinta, waxaana sidoo kale uu heli doonaa xoriyad u sahli doonta dhaq dhaqaaqiisa gaarka ah iyo adeegyada uu u baahan yahay.

Mukhtaar Roobow ayaa horay u soo noqday Hoggaamiye kuxigeenka iyo Afhayeen Ururka Al-Shabaab, iyadoo sanadkii 2017 uu isku soo dhiibay dowladda Federaalka, kaddib markii laga saaray liiska Mareykanka ee dadka madaxooda ay mallaayiinta dollar saaran tahay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com