Madixii Xukumada Galmudug oo ka baxsaday Dhuusamareeb (Mustaqbal Radio)

Madixii Xukumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ka baxday Gacanta Laamaha amaanka Dowladda Faderaalka Soomaaliya ee Magaaladda Dhuusamareeb,waxa uuna gaaray Magaaladda Garowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Sheekh Shaakir Cali Xassan oo ka tirsan Hoggaanka Ahlusunna oo ay weheliyaan Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdisamad Macallin Maxamuud iyo xildhibaanno ka titsan Baarlamanka Galmudug ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Saadaq Sheekh Yuusuf Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sidoo kale ka mid ah Madaxda Ahlusunna ee ka baxday Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug.

Wefdiga uu hoggaaminayo Sheekh Shaakir ayaa abaara 10:00 PM habeenimo safar dhul ah ugu baxay Dhuusamareeb,iyaga oo ku sii hoyday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo ay arroornimadii hore ee saaka safar dhulka ah kaga sii jarmaadeen sidaasna ay Garowe ku gaareen sida ay Mustaqbal u sheegeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

Tagitaanka Sheekh Shaakir ayaa ku soo beegmay xilli maalmahan uu Garoowe ku suganyahay Hoggaamiyaha guud ee Ahlusunna Macallin Maxamuud Sheekh Xassan islamarkaana la hadal-hayo in uu safar dibadda ah u baxayo inkastoo aan weli la xaqiijin dalka uu tegi doono.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa sariisha amaanku ku wargaliyeen warkaan xilli dambe oo saaka ah sida ay Mustaqbal u sheegeen Saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug.

Sheekh Shaakir ayaa daganaa Xaafada Dayax ee Magaaladda Dhuusamareeb,halkaas oo ay ku waardiyaynayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Ahlusunna ee dhawaan la qarameeyay.

Hoggaanka ururka Ahlusunna oo in ka badan 12-sannadood ka talinayey gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa dhowaan isku dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii looga adkaaday dagaal halkaas ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda.

Xigasho: Mustaqbal Radio


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com