Sheekh Kenyaawi oo Muxaadaro ku qabbtay muqdisho iyo buuq ka dhashay o

Sheekh Kenyaawi oo Muxaadaro ku qabbtay muqdisho iyo buuq ka dhashay o

Maamulka gobolka Banaadir ayaa codsaday in la baajiyo muxaadaro Sheekh Kenyaawi doonaayay in uu qabto Hoolka Sahal oo ku yaalla agagaarka Garoonka Aadan Cadde.

Mas’uuliyiinta gobolka Banaadir, waxa ay sheegeen in ay ka taxadarayaan Ammaanka dadka Shacabka ee goobta soo gaaraya.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in uu codsaday baajinta Muxaadaradda, Maadaama dadkii la filayay kuwo ka badan ay soo xaadireen goobta oo isbuurasho ay ka dhacday.

“Dadweynaha kasoo qeybgalay muxaadarada Sheikh Kenyaawi waxaan u sheegaynaa in goobta muxaadarada loogu talgalay inay ka dhacdo iyo tirada dadka raba muxaadarada inay is qaadi waysay sidaas daraadeed anaggoo oo fiirinayna Amniga iyo nabadgalyada dadkaas waxaan Sheikha ka codsanay in la baajiyo muxaadarada iyo inaan goob ka weyn Hoolka Sahal aan ugu qaban doono shacabka Muxadaradiisa jecel” ayuu yiri Guddoomiye Tuulax.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com