Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan oo markale noqday Guddoomiyaha Barlamaanka Jubbaland

Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan oo markale noqday Guddoomiyaha Barlamaanka Jubbaland

Waxaa soo gabagabowday Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland oo ka dhacday Kismaayo, iyadoo doorashada aheyd mid si toos ah looga daawanayay qaar ka mid ah Telefishinada.

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa ku tartamay labo musharax oo kala ahaa Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan iyo Xuseen Shiilow Cali.

Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan ayaa mar kale dib loogu doortay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, isagoo helay codod dhan 55 cod, halka Musharaxii kale ee la tartamayay Xuseen Shiilow uu helay 18 cod.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa isna loo doortay Aadan Khaliif Xaaji oo keligiis tartamayay, waxaana Xildhibaanada ay ugu codeeyeen qaab gacan taag ah, maadaama aanay jirin cid la tartantay, Guddoomiye kuxigeenka labaad ayaa waxaa loo doortay Cabdi Baalley Cismaan.

22-ka bishan oo ku beegan Khamiista soo socota ayaa la filayaa inay ka dhacdo magaalada Kismaayo doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com