Shariif Sheekh Axmed oo beeniyay in musharaxiintu isu tanaasuleen

Shariif Sheekh Axmed oo beeniyay in musharaxiintu isu tanaasuleen

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna musharax Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa beeniyay warar sheegaya in musharaxiinta qaarkood ay isu tanaasuleen.

Qoraal kooban oo uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu Shariif Sheekh Axmed ku sheegay inuu aaminsan yahay tartan xor ah in la galo.

Hase yeeshee Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraalkiisa ugaga hadlin warar sheegaya in uu doonayo inuu ka mid noqdo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu soo dhigey bartiisa Shariif Sheekh Axmed.

“Waxaan had iyo goor aaminsannahay dimuqraadiyadda iyo in lagalo tartan xor ah, ku salaysan aragti siyaasadeed iyo isbahaysi, taasoo aan waqti soo galinnay welina aan u taagannahay.

Sidaa darteed waxaan rabaa inaan caddeeyo inaysan waxba kajirin wararka ku saabsan shir ay yeesheen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha mudullood oo lagu gaaray heshiis isku tanaasul ah oo la dhex dhigay murashaxiinta qaar.”

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com