Site icon Radio Daljir

Saraakiil katirsan Argagixisada Al-shabaab oo lagu dilay Shabellada Hoose

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen gobolka Shabellada Hoose ayaa waxa ay ku bur buriyeen saldhigii Al-shabaab ay ku lahayeen gudaha degaanka Jilib Marko.

Sarkaal u hadlay ciidamada Danab ayaa warbaahinta ku hadasha afka dowladda u sheegay in howlgalkan ay ku dileen ciidamada Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo xilal muhiim ah ka haayay gobolkaasi iyo ku dhawaad 22 dagalame oo ka tirsan Al-shabaab.

Magacyada yada saraakiisha Argagixisada Al-shabaab ee weerarkan lagu dilay ayaa kala ah :

1-Abuu Yaasiin Sheikh Maxamed oo Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka gobolka shabellada Hoose

2- Maxamuud Abuu Xamza oo dhawaan kasoo laabtay dalka Siiriya.

Diiwaanka warka radio Daljir.com.

Exit mobile version