Shaqaale hay’ad samafal oo lagu afduubtay Soomaaliya

Koox hubeysan oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiinn Al-Shabaab ayaa maanta 10-kii barqanimo laba qof oo ahaa shaqaale samafalayaal ah ka afduubtay gobolka Gedo.

Labada qof oo ka kala shaqeynayay hay’adaha Trocaire iyo World vision, ayaa laga afduubtay degaanka Geedweyne oo qiyaastii 30 km dhanka qorax kasoo bax kaga began degmada Dooloow.

Labada qof ee la afduubay ayaa ahaa shaqaale Soomaali ah oo magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Suubow Cabdulle iyo C/laahi Rashiid (Eng. GBS).

Wararka qaarna waxa ay sheegayaan in ka hor inta aan la afduubanin labadan qof ay ka yimaadeen dhanka degmada Luuq ee isla gobbolka Gedo.

Al-Shabaab ayaa inta badan falal afduub ah ah u gaysta shaqaalaha gargaarka ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya, iyadoo ay sidoo kale jiraan falal afduub ah oo ay Al-Shabaab ka gaystaan gudaha dalka Kenya.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com