Shaqaalaha Markab ku Dagay Gacanka Cadan oo wali la Raadinayo

Isniin, Luuliyo 13, 2015 (Daljir) — Markab waday in ka badan 3,000 oo neef oo xoolo ah, kana ambabaxay Dekedda magaalladda Bosaaso ayaa dhawaan ku degay Gacanka Carbeed.

Markabkaasi oo u raraa Ganacsato ku sugan Puntland, kuna sii jeeday dalka Imaaraadka ayaa waxaa ku kacay dabaylo xooggan, taasi oo sababtay inuu Markabkii iyo xoolihiiba badda quusaan.

Markab kale ayaa u gurmaday Badmaaxiintii la socotay Markabkaasi degay, waxaana uu badbaadiyey 29 shaqaale, iyado 3 kalena weli la la’ yahay.

Baadi-goobka shaqaalaha la la’ yahay ayaana weli ka socotta halka uu Markabku ku degay.
Dhinaca kale, Markabka degay ayaa la sheegay inuu ahaa markab duug ah oo shaqeynayey in ka badan 30-sanno.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com