Shaqaalaha dowladda Mareykanka oo mushaar la’aan ah

Boqolaal kun oo ka mid ah shaqalaaha dowladda Mareykanka ayaan helin mushaarkoodii bilowgii sanadkan, kadib markii saamayn ay ku yeelatay muranka ka taagan dhismaha darbiga ee Mexico iyo Mareykanka.

Shaqaalaha sida ilaalada xabsiyada, shaqaalaha garoomada diyaaradaha iyo hay’adda FBI-da ee Mareykanka ayaa ay saamaysay mushaar la’aanta.

Go’aanka dowladda ee lagu xirayo darbiga Mareykanka iyo Maxico oo soo bilowday bishii lasoo dhaafay ayaa galay maalintii 22aad oo muran uu hareeyo, waxaana uu noqday murankii ugu waqtiga dheeraa ee gudaha Mareykanka ka taagan oo soo kala dhexagalay axsaabta dalkaasi.

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa diiday inuu ansixiyo miisaaniyadda dowladda ilaa lagu soo daro qarasha lagu dhisayo darbiga.

Laakiin xisbiga dumuqaardiga ayaa diidan dalabda Trump ee 5.7 bilyan oo doolar ay ku kacayso dhismaha darbiga.

Mid ka mid ah dadka shaqeeya oo ka mid ah sideedda boqol ee kun oo shaqaalaha ah ee saamaysay mushaar la’aanta ayaa sheegaya inuu doonayo wax uu ku beerto sareen, ee uu doonayn dhisme darbi.

Inta badan shaqaalaha dowladda ayaa cabasho ka muujiyay xayiraadda saaran.

Madaxwayne Trump ayaa ololihiisa doorasho ee Mareykanka balan ku qaaday inuu gidaar ku xirayo xuduudka uu la leeyahay wadanka Mexico.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com