Site icon Radio Daljir

Shan qof oo shacab ah oo ku geeriyooday gaari lagu rasaaseeyey Mudug

Ilaa shan qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen gaadiid lagu rasaaseeyey wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo ee gobolka Mudug.

Maleeshiyaad hubaysan ayaa la sheegay in rasaas ku fureen gaadiid shacab ay la socdeen oo ka yimid degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Kooxaha falka gaystay ayaana meesha ka baxsaday, iyadoona horay sidaan oo kalle jidka loogu galay dad shacab ah oo wadada ku safrayay.

Maydadka dadka geeriyooday ayaa la soo gaarsiiyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Exit mobile version