Shan qof oo shacab ah ayaa ku dhintay Qarax Miino oo gaarigooda lagu xiray

Shan qof oo shacab ah ayaa ku dhintay Qarax Miino oo gaarigooda lagu xiray

Warka an ka helayno duleedka degmad Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Gaari ay saarnayeen Dad Shacab ah ay goordhow Miino la kacday.

Deegaanka lagu Magacaabo Daniga Baaloow oo ah Wadada aada dhanka degmada Afgooye ayaa la sheegay in Gaari Nooca loo yaqaano Homeyda, ay Miinadaas la qaraxday xili uu ku sii jeeday degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Inta la xaqiijiyay 5 ruux oo Gaariga saarnaa ayaa geeriyooday halka uu ay kuwo kale dhaawacmeen kuwaas oo qaarkood jirkooda uu Go’go’ay sida uu Dalsan u sheegay mid ka mid ah Wariyaasha ku sugan degmada Balcad.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com