Shacabka Sool oo u Kacay in ay iska Dulqaadaan Heeryada Gumeysiga Somaliland

Laascanood waxaa ka biloowday kacdoon shacab oo Soomaali doon ah kana dhan ah maamulka Somaliland ee diidan Soomaali heshiis ah. Ku dhawaad afar maalmood waxaa Laascaanood ka socda bannaabaxyo waaweyn oo la isaga dulqaadayo heeryada gumaysiga maamulka Somaliland. Laakiin ciidanka Somaliland oo markii horeba aan ahayn kuwo Laascaanood u jooga dan shacab, u se joogay caburin shacabka Sool, ayaa shacabka bannaanbaxaya waxa ay u adeegsanayaan rasaas nool iyo hub culus oo qoriga Dhashiikuhu kow ka yahay.

Kacdoonka shacabka ayaa biloowday kaddib ka dhiidhin dilka iyo ‘madax-jabiska’ joogtada noqday ee haldoorka gobalka Sool. Dilka iyo ciribtirka haldoorka Sool ayaa ahaa mid sannado socday, ha se yeeshee ugu danbeyn ay shacabka Laascaanood ka dhiidhiyeen, dhagaxna uga hortageen ciidamada caburiska iyo kuwa madaxjabiska ee Somaliland.

Dhammaan deegaanada Sool waxaa hadda ka bilowday diyaargarow ku aaddan sidii ciidamada caburiska ee maamulka Somaliland deeganada Sool looga saari lahaa, waana kacdoonkii ugu xoogganaa tan iyo markii Puntland laga qabsaday magaalada Laascaanood.

Qaar kamid ah masuuliyiin jagooyin sarsare ka hayey maamulka Somaliland ayaa hadda bilaabay in ay iska casilaan xilalkii ay ka hayeen maamulka Somaliland, iyaga oo ka carooday gumaadka foosha xun ee loo gaysanayo shacabka ay ka dhasheen. Waxaa kale oo soo shaacbaxaya warar hoose oo sheegaya in saraakiil soo goostay ay ku soo wajahanyihiin Laascaanood, kana qaybqaadanayaan kacdoonka shacabka.

Shacab aad u dhiiran ayaa caawa la wareegay qaar kamid ah fagaarayaasha waaweyn ee Laascaanood, waxaana maamulka Somaliland uu amray in la jaro internetka, si ay uga hortagaan una qariyaan muuqaalada boqollaal dhalinyaro ah oo ruxaya calanka Soomaaliya iyo kan ‘Khaatumo State.’

Kacdoonku kuma koobna Laascaanood iyo Sool oo kaliya, ee sidoo kale qurbajoogta deeganada Sool, Sanaag & Cayn (SSC) ayaa baraha bulshada ka bilaabay kacdoon lagu taageerayo shacabka Sool ee u kabaqaatay in ay iska dulqaadan heeryada ciidamada caburiska Somaliland.

Bannanbaxyada lagu diidanyahay Soomaalidiidka ayaa shacabka Sool cod dheer ku shegeen in ay sii socon doonaan illaa iyo inta gabi ahaanba ciidamada Somaliland laga saarayo gobalka Sool.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Axmed Karaash oo maanta ka hadlay xasuuqa ka socda Laascaanood ayaa aad loo dhaliilay, looguna jawaabay “in aan xilligan haddal loo bahnayn balse ficil loo bahanyahay.”

In kasta oo kacdoonka shacabka Sool uu sii xoogaysanayo, shacabakuna ay aad ugu dhiiranyihiin in ay heeryada gumaysiga iska dulqaadaan, waxaan wali si dhab ah u caddayn doorka Puntland ay ka qaadan doonto xoreynta gobalka Sool.

Laakiin doorkii Puntland iyo kii Madaxweyne Deni haddii aan weli lahayn, waxaa bayaan cad ku qoran kan shacabka Sool, siiba kan dhallinta Laascaanood, oo uu u hadlay marxuun Cabdishakuur Axmed Salaad oo ciidanka Soomaliland ku dileen Laascaanood. Marxuumka ayaa kahor dilkiisa ciidamada Somaliland ay Laascaanood ku dileen waxa uu bartiisa Facebook ku soo qoray: “ha la wada dhinto intii daryeel xumo lagu noolaan lahaa.”

Diiwaanka Daljir
Radio Daljir


Posted

in

, ,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com