Shacabka Muqdisho oo iska Dayeey Baradhada Kadib Markii dad ku Waxyeelooben

Shacabka Muqdisho oo iska Dayeey Baradhada Kadib Markii dad ku Waxyeelooben

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya Ayaa sheegaya in dadku bilaabeen in ay iska dhaafaan oo aanay cunin Baradhada sababo lagu sheegay in Baradho la sumeeyay la soo galiyay Muqdisho.

Waxaa la sheegay in dad badan oo cunay Baradhada ay ku xanuunsadeen islamarkaasina la jiifiyay isbitaalo Magaalada Muqdisho ku yaala.

Dad badan ayaa hadal haya in Baradhada laga keeno dalka Itoobiya la sumeeyay inkastoo aan xaqiiqda warkaasi aan si rasmi ah loo ogeyn hayeeshee waxaa si weyn looga hadal hayaa Muqdisho.

Dadka qaar ayaa ku micneeynaya in uu yahay cudur ka dhasha cunista Baradhada islamarkaasina ay dadku markii ay cunaan ay ku xanuunsanayaan.

Tan iyo markii ay dhacday Dowladii Dhexe ee dalka Soomaaliya ee uu hogaaminayay Allaha u Naxariistee Maxamed Siyaad Barre dalka kama jirin Ha’ayd hubisa waxyaabaha dalka la soo galinayo ee laga keenayo dowladaha Shisheeye oo ay dadku cunaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com