Shacabka jubbaland oo jahwareersan iyo Madaxweyne sadexaad oo lagu dhawaaqay

Shacabka jubbaland oo jahwareersan iyo Madaxweyne sadexaad oo lagu dhawaaqay

C/naasir Seeraar Maax ayay maanta Taageerayaashiisa ku dhawaaqeen inay Madaxweyne u doorteen, iyadoo Golihii badbaadada iyo is bedel doonka Jubbaland ay labo garab noqdeen, isla markaana doorteen labo Madaxweyne.

Hoyga uu ka degan yahay C/naasir Seeraar ayay ka dhacday doorashada labaad oo Mucaaradka ay qabteen, kaddib markii shalay ay sidan oo kale Madaxweyne ugu doorteen C/rashiid Maxamed Xidig.

Tani ayaa ka dhigan in Jubbaland ay mar kale faraha la gashay xaalad siyaasadeed, isla markaana yeelatay saddex madaxweyne.

C/naasir Seeraar ayaa horay u ahaa Afhayeenkii Maamulka KMG ee Jubbaland, Guddoomiyihii 3aad iyo Afhayeenkii Ururkii Raaskambooni ee kala qeyb qaatay Ciidamada Kenya howlgaladii Jubbooyinka looga saaray Al-Shabaab.

Xaalada ay haatan ku sugan tahay Kismaayo iyo khilaafka siyaasadeed ee ay dhex hoganeyso ayaa la mid ah sida tii sanadkii 2013, xilligaasoo ay yeelatay in ka badan shan Madaxweyne oo iskood isu doortay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa war ay shalay soo saartay ku sheegtay in aysan aqoonsaneyn is caleema saarka aan waafaqsaneyn habraaca dastuurka ee doorashooyinka iyo natiijooyinka ka soo baxay shaqsiyaad ay sheegtay inay is doorteen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 5 years ago

    ADEER J/LAND HALMADAXWEYNE BAY DOORATAY OO AH AXMED MIDEEYE…KUWA KALANA IYAGAA IS DOORTEY,ADIGAAGA WARIYAHA AHBA HADAAD HOOL KIRAYSATO OO DAD KU SOO URURISO BAAD DHIHI KARTAA II DOORTA MADAXWEYNAHA PL.LKN NATIIJADU WAXAY NOQONAYSAA FILIM LA JILAY OOKALE.WAA INTAAS WAXA KISMAYO KA SOCDA 
    NIN 17 XAAFADOOD EE MUQDISHO MAAMULI KARI WAAYEY OO KABO KA WAAWEYN SITA OO WIIL & GABAR YAR OO XALANE JOOGTA AY AMRAAN BAA RABA INAY KISMAAYO CARQALADEEEYAAN.LAGA YEELI MAAYO.KOOXDA VILA SOMALIYA WAA IN LOO SHEEGAA KISMAAYO MA AHA BAYDHABO.
    SHAME ON YOU.
    FARMAAJO LAMOOD NOQONSE WEYDEY.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com