Shacabka iyo dowladda Turkiga oo ka guulaaystay ciidamadii afgambiga sameeyey.

Istanbul, July, 16 2016      Ciidamada booliska ee dalka Turkiga ayaa ku guulaystay inay xabsiga dhigaan kudhowaad 800 oo isugu jira saraakiil iyo ciidamadii ka dambeeyey afgambigii dhicisoobey ee kadhacay Turkiga.

Tallaabadaani lagu xirxiray dagaalka ayaa waxaa kaalinta ugu muhiimsan ka qaatay shacabka dalkaasi oo isu dhigay taangiyadii dagaalka ee ay wateen in kabadan kunkii askari ee howsha ku luglahaa.

Dhammaan dowladaha carbeed iyo sidoo kale qaar kamdi ah dalalka kale ee saaxiibka la ah ayaa waxa ay soodhoweeyeen tallaabadaani ay dowladda Turkigu kuguulaysatey.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0