Shacabka gobolka Sitti ee DDS oo ka bannaanbaxaya xasuuqa lagu hayo shacabka deegaanka

Shacabka gobolka Sitti ee DDS oo ka bannaanbaxaya xasuuqa lagu hayo shacabka deegaanka

Shacabka gobolka Sitti gaar ahaan tuulooyinka CADAYTI IYO GARBOCIISE ayaa maanta bannaanbax balaadhan iskugu soo baxay ayaga oo ka bannaanbaxaya xasuuqa lagu hayo shacabka gobolka.

Shacabka ayaa baaq u diraya dowladda Itoobiya iyo maamulka Dowlad Deegaanka Jigjiga ee Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaga oo leh “ha laga soo gaaro shacabka ay xasuuqayaan ciidamada Kililka CANFARTU.”

Shacabka gobolka Sitti ayaa sidoo kale baaq u diray shacabwaynaha Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in gargaar iyo caawimaad degdeg ah lala soo garabistaago shacabka gobolka Sitti oo xasuuq ba’ani uu ku socdo.

Diiwaanka wararka DDS

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com