Shacabka gobalka Amxaarada oo lagu baaqay inay hubka qaatan

Shacabka gobalka Amxaarada oo lagu baaqay inay hubka qaatan

Hoggaamiyaha gobolka Amxaarada Agegnehu Teshager da ee dalka Itoobiya ayaa shacabka gobolka ugu baaqay inay hubka qaataan si dagaal loogu qaado fallaagada ka dagaallanta gobolka waqooyiga ku yaalla ee Tigray.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli Jimcihii madaxweynaha gobolka Canfarta uu jeediyay baaq kan lamid ah. Waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka 8 bilood ka socday Tigray uu ku fido deegaannada kale.

“Laga bilaabo berri, waxaan ugu baaqayaa dhammaan dadka da’da ah ee hubeysan ama ha ahaadeen heer dowladeed ama mid gaar ah inay isu abaabulaan olole badbaado,” ayuu yiri Agegnehu.

Afhayeen u hadlay jabhadda Tigray ayaa wacad ku maray inay xoreyn doonaan taako kasta oo ka tirsan dhulka Tigray oo ay kamid yihiin deegaanada lagu muransan yahay oo ay ku sugan yihiin ciidamada gobolka Amxaarada tan iyo markii uu dagaalka bilowday.

Amxaarada waxay xuduud la leedahay Tigray dhanka koonfureed, labada gobolna waxaa ka taagan muran dhul oo tobanaan sano jirsaday kaasoo udub dhexaad u ahaa dagaalkii sideed bilood ka socday Tigray.

Abiy, oo ku guuleystay Abaalmarinta Nobel Peace Prize ee 2019, ayaa ciidamo u diray Tigray bishii Nofeembar ee la soo dhaafay si ay u afgembiyaan xisbiga talada gobolka haya, ee Tigray People’s Liberation Front (TPLF), tallaabadaas oo uu ku sheegay inay jawaab u tahay weeraradii ay TPLF ku qaaday xeryaha ciidamada federaalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com