Shacabka Faransiiska oo Saaka u Dareeray Goobaha Codbixinta

Shacab weynaha dalka France ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta dalkaasi, si ay codkooda uga dhiibtaan doorashada madaxweynaha dalkaasi.

Booliskii ugu badnaa ayaa lageeyey wadooyink waaweyn ee magaalooyinka codbixintu ka dhacayso, iyadoo laga cabsi qabo weeraro argagixisanimo oo kadhaca dalkaasi.

Laamaha ammaanku waxa ay sheegeen in ciidamo gaaraya  50,000 iyo  7,000 oo ah Ciidamada dalkaasi lageeyey goobaha codbixinta.

Doorashadaan ayaa ah doorashada Madaxweynaha Faransiiska waxaana ku hardamaya Musharaxiin gaaraya 5.

Wareegaan maanta oo Axad ah waa kii koowaad ee isreebreebka, kan madaxweymaha lagu dooranaya waa Axadda danbe iyo 7 May.

Daljir kala soco doorashooyink Faransiiska.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com