Site icon Radio Daljir

Shacabka Caabudwaaq oo garab u noqday dhismaha Waddada Wadnaha Gaalkacyo xilli weli la sugayo doorkii reer Gaalkacyo

Aduunka shacab walba iyagaa dhista dhulkooda iyadoo siyaabo kala duwan ay uga qaybqaataan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida jidadka, garoomada ama dekedaha, iyo wax walba oo sahlaya adeegyada bulshada muhiimka u ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Radio Daljir waxa uu xalay (Arbaca, 20 Feb 2019) qabtay barnaamij qaaraan aruurin ah oo dadweynaha Soomaaliyeed loo soo bandhigay ka qaybqaadashada Waddada Wadnaha ee dhexmarta bartamaha magaalada Gaalkacyo, ayna dadku si iskaa-wax-u-qabso ah ay u dhisayaan.

In kastoo oo shacab aad u tirabadan ay ka soo qaybqaateen barnaamijka tabbaruca, haddana waxaa door weyn oo aan cidi u soo dhowaan qaatay dhegaystayaasha gobolka Galgaduud gaar ahaan kuwa Caabduwaaq iyo kuwa Dowlad Deegaanka Soomaalida qiyaas ahaanna reer Caabudwaaq ay ahaayeen 90% qaaraan bixiyayaasha.

Shacabka reer Caabduwaaq waxay muujiyeen deeqsinimo, daacadnimo, walaalnimo iyo garasho dheer oo ah inaan la kala lahayn kaabayaasha dhaqaalaha, waana mid kudayasho mudan.

Laakiin wanagga shacabweynaha Galgaduud waxa uu dhanka kale caawa iftiimiyey in shacabka reer Puntland gaar ahaan reer Gaalkacyo oo iyaga loo dhisayo waddada wadnaha laga waayey wax ka badan shan qof, halka deegaanada kale ee Puntland ay ayana ahaayeen farakutiris kale.

Dadka reer Puntland waxa ay hore caan ugu ahaayeen ka qaybqaadashada hawlaha danta guud balse xalay waxa ay shacabka reer Gaalkacyo u ahayd habeen madoow. Laakiin sida Guddiga Waddada Wadnuhu yiraahdeen, “caawa waa hal habeen oo kamid ah habeeno badan.”

Waqtigaa markhaati ah, laakiin waa habeen taariikhda galay in shacabka Caabudwaaq iyo gobolka Galgaduud oo dhan ay xalay reer Gaalkacyo u dhigeen cashar biloow u ah barashada waddaninimada iyo danta guud. Alla ku dayasho mudanaa.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Exit mobile version