Shacab tageersan Donald Tump oo xoog ku galay Aqalka Congresska

Shacab tageersan Donald Tump oo xoog ku galay Aqalka Congresska

Wararka ka imanaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya in taageerayaasha Madaxweynaha Maraykanka Donald Tump ay xoog ku galeen gudaha Aqalka Congresska ee Capitol iyadoo halkaa ay ka socotay ku dhowaaqista cidda ku guuleysatay doorashadii Maraykanka ka dhacday 3dii November 2020.

Mudanayaasha labada aqal ee Maraykanka iyo saxafiyiintii halkaa ku sugneyd ayaa laga bixiyay iyadoo la geeyay goobo ammaan ah.

Kulankan oo ay yeelanayeen labada aqal ee congresska Maraykanka ayaa lagu waday in si rasmi ah loogu dhowaaqo in Joe Biden uu ku guuleystay doorashada Madaxtinimada Maraykanka.

Donald Trump oo qudbad u jeediyay taageerayashiisa waxyar kahor inta aysan u dhaqaaqin Aqalka Congresska ayuu u sheegay inusan weligii aqbali doonin in loogaga guuleystey doorashadii 3dii November isagoo ku tilmaamay mid qayaano ahayd.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com