Shabinta shaydaanka iyo shoorka saraakiisha shacabku waa u riyaaqeen waana jabkii cadowgeena. (Faalo)

Shabinta shaydaanka iyo shoorka saraakiisha shacabku waa u riyaaqeen waana jabkii cadowgeena. (Faalo)

Waxaa taariikhda caalamka ay nabaraysaa,in dalal farabadan oo dunidan kamid ah ay galeen dagaalo sokeeye,nidaam la aan, dawladnimadii oo meeshaba ka baxda,dadka oo gala jahawareer iyo buuq joogta ah,noloshoo xumaata,amaandaro.Hadaba waxaas oo dhib ah markii dal uu haleelo, dadku waxay kala garan waayaan wax u fiican dad ahaan iyo dal ahaan iyo diin ahaan iyo wax taa cakiskeeda ah ama kasoo horjeedkeeda ah waxa u xun.

Kolkay arintu halkaa gaarto,waxaa ukaca dalkaa rag geesiyaal ah oo naftooda u hura in ay dalkooda gacan bir ah ku qabtaan oo ku soo celiyaan xasiloonidii iyo kala danbayntii iyagoo kasaaraya dalka dhibaatada dawlad la aan oo ah cadaab aduun. qofka caqli gaabka ah ama ah inan gumeedku ma garanaayo waxa dawladnimadu tahay. dawladnimadu waa waxaan laga maarmin islaamkuna uusan ogalayn in dal uu dawlad la aan noqdo wax kalaba daayoo xitaa hal saac oo qura.

Dalwalba ragiisaa ukacay,sida ruwanda iyo ruushka iyo Ethiopia waxayna ku soo celiyeen nidaamkii iyo kala danbayntii. dalal farabadan ayaa burburka dhacay oo afrika iyo Asia intaba leh oo lagu soo dabaalay nidaamkii iyo kala danbayntii. Hadii la waayo dawladnimada waxaa dhasha in ay abuurmaan laba arimood oo halis ah oo kala ah.

Cadaw shisheeye oo awalba nidaamka dawliga ah iyo shircigu kaa hortaagnaa oo aan dalkaaga ka fushan karayn wax kasta oo uu doono ayaa helaya fursad uu ku soo galo dalkaaga ku guna gumaysto oo danihiisa guracana ka fushado dalkaaga.
Cadaw ah colooshiise u shaqayste khaa imaya dalkiisa,oo lagaa dhex samaysto,si ay uga shaqeeyaan in dadku isdilaan,qabyaalada la huriyo,amaanka faraha laga bixiyo, lala dagaalamo in dawlad dhalato,cidkastoo nidaam iyo kaladanbayn wadana laga horyimaado, iyaguna taa ku badashay lacago doolar ah oo shisheeye siiyo oo kaliya.

Hadaba dalkeena mudo 29 sanadood ah waxaa gacanta ku dhigay,labadaa cadaw ee ah shisheeyaha dibada iyo cadaw gudaha ah oo ah soomaali gunimo ka doortay gobonimadoodii oo iibsaday diintoodii iyo dalkoodii kuna badashay sandareero ay ka helaan shisheeyahaas ay u khaadimayaan. cadawgan oo diidan in soomaaliya ay hesho dawladnimo iyo kala danbayn. kuwa guduhu waxay u qaybsamaan sadex kooxood oo ah shabakada maafiyada caalamiga ah oo isku xiran wada shaqeeyana.

1.Siyaasiyiin ku gabada mucaarad dadkuna hada u yaqaan siyaasiyiinta xanaaqsan, kuwani waa wakiilo shisheeye oo fuliya amaan darada dalkeena gaar ahaan Mogdisho. kooxdani waxay abuurantay markii dawladnimadii soomaaliyeed meesha kabaxday.

2. Koox ganaacsato ku gabada oo saldhigooda soomaaliya yahay Suuqa bakaaraha,ee magaalada mogdisho.waxay hayaan lacagaha lagu hawlgaliyo maleeshiyaad beed yada iyo shabaabka,waxaana lacagtaa lagu dhex qariyaa ganaacsi si loogu qaato hanti ku timid ganaacsi, waxay mogdisho ka fuliyaan dilalka qorshaysan iyo cidii suuq kale oo mogdisho ah furta taasoo ilaa maanta wali dadku aysan awoodin in ay shidaan suuq kale baqdin naftooda ah.kooxdani waxay kamid yihiin shabakada maafiyada ah ee caalamiga ah.

3.Kooxda afka duubata markay fulinayaan hawlaha gumaadka shacabka soomaaliyeed,marka kalana ah ganaacsata suuqa bakaaraha iyo ciidamadii diiday is diiwan galinta marka laba marna afka waa ufuran yahay iyo wajigu marna waa u duuban yahay waana isla iyagii uun. kooxdan waxay kamid yihiin shabakada maafiyada caalamiga ah. Markay wax dilayaan waxaa amarka siiya siyaasiyiinta xanaaqsan ee uu hogaanka u haayo madaxweynihii hore ee soomaaliya hasan sheekh oo shaqadaan dalka ka waday mudo dheer dalkana aan kabixin ilaa burburkii 1991 hadana haysta hantidii qaranka soomaaliyeed uu ka dhacay maalin cad hantidaas oo uu wali ku hagardaamaynaayo xasiloonida soomaaliya,waxa iyana amarka siiya shabaabka afka duuban ganaacsatada bakaaraha raga usareeya uuguna hantida badan.

hadaba 3 daa kooxood oo ah hal urur kooxeed ayaa waxaa maal galiya dawlado shisheeye oo dano guracan kaleh dalkeena,oo diidanba in lahelo dawlad soomaaliyeed iyo dhul ay leeyihiin dad soomaaliyeed oo xor ah oo dawlad ah.

Hadaba ogoow dalkeena cadaw baa haysta ku dhex samaystay dad soomaali ah oo aan ilaahay ka baqayn iyo maalinta aakhiro, dan aan ka lahayn dadkooda oo aan unaxayn,wadaniyad aan lahayn kuwan oo mabda oodu yahay doolar sideen ku helaa oo kaliya.waxayna ogyihiin in aanay jirayn hadii dawlad dhalato soomaaliyeed oo nidaam iyo kala danbayn timaado. laakiin way sii jiri karaan hadii dalku ahaado fowdo dhac dil joogta ah dawlad la aan iyo nidaam daro.

Marhadii arin sidan yahay,dalku waxa uu rabaa rag wadaniyiin ah oo ka saara dhibaatada taasoo ilaahay mahadii maanta soomaaliya ay heshay.Madaxweyne wanaagsan oo wadani ah daacad ah qabiil aan aqoon lacag aan aruursanayn sidii xun kii ka horeeyay ayaa yimid.waxaa garbihiisa taagan sidaad u jeedaan bidix iyo midigba rag aan la qabiil ahayn laakiin ah rag la mabda ah oo wadaniyiin ah soomaali ah waxaana ka go an in dalka laga xoreeyo cadawgaa isbiirsaday ee u diidan dawladnimada iyo in dadka soomaaliyeed helaan nabad iyo nolol sida dunida dadyawga kunool oo asaagooda ah oo kale.

Dalkeenu dagaal buu ku jiraa ufiirso taliyaha xooga soomaaliyeed ufiirso abaan duulaha xooga soomaaliyeed u fiirso madaxweyne farmaajo u fiirso saraakiisha daba taagan waa dad qaran maha qabiil waa soomaali naftooda u huraaya sharafkeena iyo jiri taankeena soomaaliyeed. waa rag shabinaaya shayaadiinta shabaab ee dadkeena gumaada. waxay balan ku qaadeen in ay sifeeyaan shabaab iyo cidkastoo gacan siisa.

shabaabka banaanka looga adkaaday ee ciidankii xoogu lugta mariyay goobahoodiina ka qabtay oo lawareegay,firxadkooda cidii qarisa ee guryaha mogdisho cadawgaa ku haysaa waajib weeye in ladilaa waayo waa shabaab kalkaal raba in shacabka mogdisho la la beegsado qarax aar goosi. shacabku sidaa ay usoo sheegayaan cadawga haku wadeen waxaa xaqiiq ah in la dabar goynaayo mar dhaw cadawgaa gudaha ah, hadaan meel saaro shisheeye kuuma imankaro.

Ninka ku dilaaya waa la dilaa. dalku dagaal buu ku jiraa ah il iyo aragti mana la aqbalaayo cid ka hortimaada dawlada oo u lug qabata cadawga shabaab. shacabka mogdisho dadka isku diraaya dhexdooda ee ka horkeenaya nidaamka dawlad nimo waa dad kooban oo hadaba la tuhun sanyahay laguna raad joogo waa waajib in kuwaas la waayaa. maxaayeelay dadka soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo isku diin ah oo isku dad ah qabiil iyo lacag baan u adeegsan oo kukala qaybin si aysan u helin dawladnimo maha mid layska yeelaayo. waa waajib in qofkastaa u dhintaa dawladnimada soomaaliyeed oo dadkeena iyo dalkeena xoraynaa.

Baacsiga shabaab lagu baacsanaayo waad aragtaan geesinimada madaxweyne heena in uu furinta ku jiro oo ciidanka hogaaminaayo waana arin aan soomaaliya hore uuga dhicin. ragbaa inoo kacay dalka difaacay shacabkana ka qabtay cadawgii gacanbir ah ula tagay oo maanta MUQDISHO shacabku nabad bay ku jiiftaan maha sidii hore waana guul soomaaliyeed.

Adeer dal iyo dibadba markaanu shacab ahaan soomaali oo dhan farmaajo uwada istaagnay waxaan ognahay in uu yahay geesi daacad ah dalkana xoraynaaya wacad alaan ku maray in aan wixii ka horyimaada hubanti loo waayaa meel haad ku cunay. wacad alaan ku maray kii qabyaalad nagu kala qabiyaa aan dib danbe loo arag,cadaw kasta halkiisan uugu tagaynaa hadafkuna waa dawladnimo soomaalinimo sharaf iyo habayd nin kii gun ah anagu gob baanahay ah soomaali mana aqbalayno gunimo ah dawlad diidnimo. raga meesha socdaa sawirka ka bogo maha qabiil waa rag wadiniiyiin ah oo soomaali ah kana wayn gunimo.

Dawladnimada waa u dhimanaynaa mana u nihiin diyaar waxaan dagaal ahayn,maxaayeelay dawladnimadaa la diidan yahay taasoo macnaheedu yahay dagaal oo kaliya.shacabka soomaaliyeedna waxa uu daba taagan yahay dawladiisa oo taakulaynayaa iyagoo u riyaaqsan dagaalka cadawga lagu bartilmaan sanaayo. dhalinyaradu ha isqoraan ciidanka dalka si ay ugu dhintaa dalkooda.
Waxa qalinka uqaatay Yuusuf Omar.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com