Senetarada Aqalka sare ku matala Puntland oo ka horyimid sharci

HomeWararka

Senetarada Aqalka sare ku matala Puntland oo ka horyimid sharci

SenetaradaAqalka sare ku matala Puntland ayaa si weyn uga hor yimid ansixinta sharciga Batroolka ee ay shalay meel mariyeen Seneterada Aqalka sare ee

Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Saylici oo Maanta Tagay Tukaraq (Sawiro)
Dowladda Jarmalka Oo Magdhaw Siinaya Ehelada Ciyaartoydii La Dilay 50 Sano Ka Hor
Xisbiga Wadajir oo ka hadlay qodobada ka soo baxay shirkii wadatashiga DFS & dowlad gobaleedyada

SenetaradaAqalka sare ku matala Puntland ayaa si weyn uga hor yimid ansixinta sharciga Batroolka ee ay shalay meel mariyeen Seneterada Aqalka sare ee Soomaaliya.

Senetar Axmed Mashruuc oo ah guddoomiye kuxigeenka guddiga kheyraadka Aqalka Sare ayaa ku tilmaamay ansixinta sharcigan mid dastuurka iyo xeer hoosaadka aan waafaqsanayn loona baahan yahay in dib loogu laabto oo la saxo.

Senetar Axmed Mashruuc ayaa sidoo kale sheegay in sharciga batroolka ay ku jiraan qodobo ka hor imaanaya dastuurka kumeelgaarka ah ee dalka isla markaana uu khatar ku noqonayo hantida Qaranka horseedayana buuq siyaasadeed uu dalku galo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayuu ugu baaqay in uusan ansixin sharcigan ilaa laga saaro qodobada liddiga ku ah sharciga iyo dastuurka.

Shalay ayay ahayd markii Senatada Aqalka sare ay ansixiyeen Sharciga Batroolka iyadoona la aaminsan yahay in Xukuumadda Federaalka ay dadaal ku bixisay sidii sharcigan loo meelmarin lahaa .

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: