Site icon Radio Daljir

Senator Fartaag oo kadigay Faragalinta Kenya ku hayso Baladxaawo,isago dhaliilay Xukumadda Farmaajo

Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay ku guuldaraystay in ay wax ka qabato dhibaatadda dowladda Kenya ay ku heyso shacabka ku sugan degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo.

Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Soomaaliya aysan waxba ka qaban faragelinta dowladda Kenya ay ka waddo degmada Baledxaawo.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in hanti boobka lagu haayo dadka kunool Baledxaawo ay indhaha ka qarsatay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Mudane Fartaag ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in marnaba aysan xukuumado ka hadlin faragelinta dowladda Kenya ee Baledxaawo.

Exit mobile version