Sayful-Islaam waa nin caynkee ah (Taariikhdiisa oo kooban).

Tripoli, Nov, 20 – Sayful-Islam wuxuu ku dhashay 5/6/1972-dii xerada (Baab Al-caziiziyah) oo ay qoyska reer Qaddafi degenaayeen, waana ilmihii labaad ee uu Qaddafi ka dhalo xaaskiisii Safiyah Farkaash oo kaalkaaliso caafimaad ahayd, islamarkaana Qaddaafi u dhashay 5-kale oo carruur ah.

Heerarka Tacliintiisa.

Sayful-Islaam wuxuu waxbarashadiisa inteeda badan ku qaatay magaalada Tiriboli ee caasimada Libya , wuxuuna markii uu dugsiga sare dhammaystay ku biiray Jaamacada Tiriboli kulliyadeeda injineernimada dhismaha, taas oo uu ka qalin jebiyey sanadkii 1994, intaas kaddib wuxuu waxbarasho jaamacadeed u aaday dibadda isagoo culuumta dhaqaalaha ka baranayey jaamacad ku taala dalka Austria, taasoo uu ka qalin jebiyey sanadkii 2000. Intaas kaddibna wuxuu shahaadada PHD-ga ka qaatay machad dhaqaalaha lagu barto uu ku yaal dalka Britain.

Darajooyinkii uu soo qabtay.

Saful-Islam markii uu waxbarashada jaamacada heerkeeda 1-aad dhammaystay wuxuu xubin ka noqday xarunta baaritaannada wershadaha ee Tiriboli, intaas kaddib sanadkii 1996 wuxuu madax ka noqday xafiis uu la taliye ahaan uga shaqeynayey, derjo sare ayuu ka gaarey ciidamada isaga oo aan wax tababar ciidan ah soo qaadan.
Wuxuuna sanadihii ugu dambeeyey agaasime u ahaa hay?adda samafalka iyo horumarinta bulshada ee Gaddafi oo la aas-aasay sanadkii 1998.

Horikaciisa siyaasadeed.

Sayful-Islam ini Qaddafi wuxuu ahaa nin muddooyinkii u dambeeyey kaalin fir fircoon oo muuqata ka ciyaarayey arrimaha siyaasadda gudaha iyo tan dibadda ee dalka Libya, waxayna taasi dhacaysey isaga oo aan haba yaraatee wax xil ah oo rasmi ah ka haynin dowladdii uu aabihiis hormuudka u ahaa.

Wuxuu gacan ka geystey wada xaajooydo badan oo is fagarad ku dhammaaday oo dowlada Libya ay la gashay dalal badan oo khilaaf siyaasadeedi uu soo kala dhex galay, waxaana qadiyadihii uu wax ka galay kuna guuleystey ka mid ahaa.

? Magdhowgii laga bixiyey qaraxii diyaaradeed ee Lockerbie Scotland oo sirdoonka Libya lagu soo eedeeyey in ay ka dambeeyeen 21-Dec-1988 arrintaas oo horseeday in uu dib usoo noolaado xiriirkii siyaasadeed ee ka dhexeeyey Libya iyo Maraykanka oo xiligaas wixiii ka horeeyey ahaa mid aan wanaagsaneyn. Magdhowgii ay libya qoysaska dadkii shilkaas ku geeriyoodey siisayna wuxuu ahaa dhaqaale gaaraya illaa 2.7 Bilyan oo Doollarka maraykanka ah.

? Wuxuu kaalin muuqata ka qaatay tanaasulkii ay dowladda Libya ka gaartay sanadkii 2004 samaysashada hubka Necluer-ka ah waxayna talaabadaasi Libya u horseeday in laga hakiyo cunaqabataymo lala damacsanaa xilliyadaasi, lagana qaado kuwo kale oo horay loogu soo rogey dalal badan oo horay arrintaas uga biya diidsanaaana ay Libya isu soo dhowaadaan.

? Sayful-Islam wuxuu sidoo kale dowr muuqda ku lahaa sii deynta kaal kaalisooyin caafimaad oo u dhashay dalka Bulgaria iyo dhakhtar Falastiini ah oo lagu xukumay xabsi daa?in sanadku markuu ahaa 7-2004 kaddib markii lagu helay denbi ah inay cudurka HIV Aids ku talaaleen in ka badan 400 oo carruur Libyan ah, dhac-dadaan ayaa la sheegay inay ka dhacday Isbitaal ku yaal magaalada Bangazi ee dalkaasi Libya.

? Sidoo kale sanadkii 2000 wuxuu isaga oo ku howl gelaya magaca ururka samafalka ee Gaddafi gacan ka geystey sii deynta la haystayaal Jarmal ah oo ay kooxda Abu sayyaf ee dalka Filibiin ka jirtaa ay qabsadeen kadib markii uu bixiyey lacag madax furasho ah oo gaareysa 25 Melyan oo Doollar.

Dhammaad

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com