Saxaafadda gobolka Bari oo cambaaraysay dilkii agaasimaha idaacadda Shabelle.

Bosaso,Jan 31 -Saxaafadda gobolka Bari ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xarunta wasaaradda warfaafinta dowladda Puntland ee gobolka Bari waxaa ay si isku mid ah u cambaareeyeen falkii dilka ahaa ee 29-kii bishaan loogu gaystay magaalada Muqdisho agaasimahii idaacadda Shabelle Xasan Cabdi Fantastik oo kooxo hubaysan dil ugu gaystay magaalada Muqdisho ,xilli uu sii galayay gurigiisa oo ku yaala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Cumar Dheere oo ah tifaftiraha wargayska Ileys ee kasoo baxa deegaanada Puntland oo ugu horayntii ka hadlay kulanka ayaa waxaa uu sheegay bahda warbaahinta inay isku yihiin hal xubnood,waxaana uu tilmaamay warbaahinta gobolka Bari inay siweyn uga xunyihiin falkii lagu dilay agaasimaha idaacadda Shabelle ee Muqdisho Marxuum Xasan Cabdi Fantastik.

Saxafiyiintii kasoo qaybgashay kulanka lagu muujinayay dareenka murugada leh ee saxaafadda gobolka Bari ka qabto falkii lagu dilay agaasimaha Shabelle marxuum Cusmaan Xasan Cabdi “Fantastic” ayaa waxaa si isku mid ah u dalbadeen in caddaaladda loo horkeeno dadkii ka dambeeyay falkii lagu dilay agaasimaha Shabelle,iyadoona dowladda KMG ah ee Soomaliya sheegtay in lasoo qabtay dadka ku lug lahaa dilka,dhanka kalena saxafiyiinta ayaa waxaa ay tacsi u direen dadkii uu ka geeriyooday maxruum Fantastic

Kulankaan ay isugu yimaadeen warbaahinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasimayaal ka socday idaacadaha Radio Daljir,SBC, One Nation,iyo wakiilada telfishinada Horn Cable,Universal, Royal 24,S 24 iyo wariyeyaal ka socday qaybaha warbaahinta oo ay ka mid yihiin shabakada internetka.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com