(Sawirro)Guddoomiyayaasha kooxaha heerka 1-aad ee Mudug oo doortay gudoomiyayaasha xiriirka kubadda cagta iyo kan kolayga

Gaalkacyo, March 04- Tobanka gudoomiye ee kooxaha heerka 1-aad ee gobolka Mudug ayaa maanta doortay masuuliyiinta xiriirka kubadda cagta iyo kan kolayga taasoo dhamaystiraysa xiriirada ciyaaraha ee gobolka ka dib markii toddobaad ka hor ay doorteen kan xiriirka kubadda cagta.


Kulan cod loogu qaadayay Maxamed Maxamuud Xasan (Kabaqolof) iyo Maxamed Yuusuf oo uu soo agaasimay maamulka Sportska laguna qabtay xarunta NGOga Homboboro ayaa waxaa 6 cod oo ka mida 10-kii cod ee cod bixiyayaasha ahaa waxaa helay Maxamed Kabaqolof halka afar cod oo kaliya uu helay Maxamed Yuusuf sidaasna looga guulaystay.


Labada tartame ayaa soo dhaweeyay qaabka ay u dhacday doorashada iyagoo tilmaamay inuu Sportska gobolka uu qaaday jidkii hormarka iyo in dhalinyaradu ay kala doortaan shakhsigay u arkaan inuu wax u qabanayo.


Doorashadaasi ka dib ayaa hadana C/xakiin Maxamed Xasan waxaa loo doortay gudoomiyaha ciyaaraha kolayga gobolka Mudug, ka dib markii la waayay cid la tartanta, labadan masuul ee maanta la doortay ayaa sadex ku noqonaya gudoomiyaha ciyaaraha fudud oo horay loogu doortay Ilyaas C/nuur.


Diiwaanka Wararka daljir
qaybta ciyaaraha
(S)


Daawo Sawirada

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"
?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com