Sawirro:-Wasiirka amniga Soomaaliya oo la kulmay guddoomiyaha ammaanka guud ee Qatar

Sawirro:-Wasiirka amniga Soomaaliya oo la kulmay guddoomiyaha ammaanka guud ee Qatar

Wasiirka amniga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Abuukar Isloow, oo ku sugan Magaaladda Doha, ayaa halkaasi kula kulmay guddoomiyaha ammaanka guud ee dowladda Qatar, Gen Sacad Bin Jaasim Alkhalifim iyo madaxda sare dowladda Qatar.

“Waxaan magaaladda Doha kula kulmay guddoomiyaha Ammaanka guud ee dalka Qatar Gen. Sacad Bin Jaasim Alkhalifi & Madaxda sare ee dalka Qatar oo aan ka wadahadlnay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinaca ammaanka labada dal” ayuu yiri wasiirka oo ka hadlayay socdaalkiisa dalka Qadar.

Wasiirka ayaa sidoo kalle kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, waxaana sidoo kale la filayaa inuu la kulmo masuuliyiin sare oo katirsan dowladda Qadar.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com