Sawirro-Sidee maanta looga ciidey magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 06-July-2016 munaasabadda ciidul-fitriga kala qayb galay kumannaan qof oo muslminiin ah oo salaaddii ciidda ku tukukanayey garoonka kubadda cagta ee Cawaale Stadium ee magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa farxadda cidda ugu hambayeeyey malaayiinta qof ee soomaaliyeed ee ku kala tukanayey salaadda ciidu-fitriga daafaha dunida gaar ahaa shacab weynaha reer Puntland, waxaana uu Eebbe uga baryey dhammaantoodba  in ay ku ciidaan ciid wanaagsan.

“Ciid wanaagsan, ciid wanaagsan, ciid wanaagsan, waxaan rabaa anigoo ka faa’iidaysanaya fadliga maalintan barakaysan ee ciidda in aan tahniyadda ciidda u diro shacabka reer Puntland iyo kan Soomaaliyeedba oo iraahdo ciid wanaagsan.

Ilaahay waxaan ka rajeynayaa inuu ciiddan ciiddeeda kale inaku gaarsiiyo nabad-gelyo, wadajir iyo midnimo”ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Puntland meel walba oo uu joogo ugu baaqay in ay adkaystaan amnigooda iyagoo la shaqaynaya laamaha kala duwan ee ammaanka.

Sidoo kale Madaxweynuhu isaga oo ka hadlaya sida ugu wanaagsan ee looga hor tegi karo kooxaha sharwadayaasha ah ayuu shacab Puntland ku boorriyey in aanay guryohooda ka kirayn cid aanay garanayn oo aanay ka haysan dammaanad buuxda oo lagu kalsoonaan karo.

“Cadowgu markii aynaan mideysneyn waa geesi wuuna ka faa’iideystaa, markii aynu uga soo wada jeesano oo mid nahayna waa fuley”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hambalyo u diray ciidamada difaaca Puntland, kuwaas oo habeen iyo dharaarba u heellan difaaca Puntland iyo sidii uu  shacabka Puntland ugu noolaadan sharaf iyo karaamo.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_8669 IMG_8671 IMG_8679 IMG_8695 IMG_8701 IMG_8716 IMG_8717 IMG_8727 IMG_8730 IMG_8731 IMG_8734 IMG_8735 IMG_8738 IMG_8739 IMG_8742 IMG_8743 IMG_8745 IMG_8751 IMG_8761 IMG_8776 IMG_8782 IMG_8794 IMG_8795 IMG_8797 IMG_8804IMG_8806 IMG_8808 IMG_8810 IMG_8812 IMG_8816 IMG_8821 IMG_8825 IMG_8826 IMG_8830 IMG_8832 IMG_8834 IMG_8838 IMG_8846 IMG_8849 IMG_8853 IMG_8856 IMG_8858 IMG_8861 IMG_8864 IMG_8866 IMG_8868 IMG_8871 IMG_8874 IMG_8879 IMG_8886 IMG_8891 IMG_8898 IMG_8900 IMG_8902 IMG_8904 IMG_8908 IMG_8909 IMG_8911 IMG_8912 IMG_8913 IMG_8914 IMG_8917 IMG_8920 IMG_8923 IMG_8924 IMG_8927 IMG_8930

 
 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com