Nin ka Dambeeyey Qaraxyo Dad Badani ku Dhinteen oo Dil Lagu Fuliyey (sawirro)

Nin ka Dambeeyey Qaraxyo Dad Badani ku Dhinteen oo Dil Lagu Fuliyey (sawirro)

Maxkamada ciidamada qalabka sida dowlada Soomaalkiya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay nin lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay qarax dad badan ku dhinteen oo sanadkii hore ka dhacay Suuqa Beerta ee magaalada Muqdisho.

Cabdulqaadir Cabdi Xasan oo ahaa 40 sano jir ahaa ayaa qirtay in uu ka dambeeyay Qarax ka dhacay Suuqa Beerta ee Degmada Waabari bishii November ee sanadkii hore, waxaana qaraxan ku dhintay dad ka badan 30-qof oo u badnaa shacab Suuqaasi ganacsiyo ku lahaa.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay Cabdulqaadir Cabdi Xasan ay ku cadaatay dambihii lagu soo eedeeyay oo ahaa in uu ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Suuqa Beerta, ninkan ayaa sidoo kale la sheegay xili uu doonayay in uu is qarxiyo in ay qabteen ciidamada amaanka.

SAWIRRO

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 3
  • Abdikafi Ahmed Abdi 7 years ago

    Assalaamu Calaykum , Radio Daljir Somalia

    Waxaa waajib saaran ah in ay ciqaabtiisa marsiiso qof kasta oo Ummadda Somaliyeed gumaad u gaysta oo loo gaysto intii uu ummadda birmagaydada ah u gaystay si ay xanuunka u dareemaan kuwa ayaguna damacsan in ay falkaasoo kale gaystaan

  • Maxamud yare 7 years ago

    Waa in lala xisbatamo abkay dhagar qaboo dhan oo ay shaqaysa cadaladu

  • Waan so dhaweynayah nin la cinqaabo dhagar qabah oo la mariyo cinqaabtih

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com