SAWIRRO: Madaxweynihii hore ee Puntland oo Garowe lagu soo Dhaweeyay

Arbaco, Luuliyo 29, 2015 (Daljir) —Madaxwaynihii hore Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay gagida diyaaradaha magalada Garowe.

Soo dhawaynta Farole waxaa ka qayb galay Madaxwayne ku xigeenkii hore Gen.Cabdisamad Cali Shire, Gudoomiyaha Baarlamaanka Siciid Xasan Shire,wasiiraddii xukumaddii Farole, wasiiradda xukumadda Gaas qaar ka mid ah, siyaasiyiin, odayaal dhaqan, iyo boqolaal dadwayne oo ku labisnaa qaarkood calamada Soomaaliya iyo Puntland.

Waxa uu sheegay FAroole in uu u yimid arimo Qoys uuna ku faraxsan yahay imaanshihiisa magaalada magaalada ,waana markii ugu horeysay oouu yimaado Puntland tan iyo markii uu xilka wareejiyay sanad iyo bar ka hor.

 

\\\"\\\"

\\\"\\\"

\\\"\\\"

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com