Sawirro-Madaxweyne Gaas oo lakulmay ku-simaha safiirka Imaaraadka ee Somalia.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa maanta 19 December 2016 kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho  ku simaha danjiraha Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta safaarada  Imaaraadka ee Muqdisho ayaa waxaa lagaga wada hadlay wanaajinta xidhiidhka ka dhexeeyey Dawladda Imaaraadka iyo Dawladda puntland, sii amba qaadida mashariicaha horumarineed ee dawladda Imaaraadku ka fuliyo  Puntland, arrimo la xiriira amaanka iyo sidoo kale  abaaraha baaxadalleh ee ka jira Puntland.

Ugu horayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kala hadlay ku simaha Safiirka Imaaraadka sidii loo dardar gelinlahaa xiriir ka dhexeeyeya Imaaradka iyo Puntland, sidoo kale waxa uu uga warbixi madaxweynuhu safiirka abaaraha baaxadaleh ee ka jira Puntland iyo sidii ay Dawladda Imaaraaadku gacan uga gaysan lahaayeen gurmadka loo fidinaayo dadka abaaru saameeyeen ee reer Puntland.

Dhinaca kale ku xigeenka safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya ahna ku simaha safiirka ayaa dhankiisa tilmaamay in ay diyaar u yihiin horumarinta iyo xoojinta xiriiraka labada dhinac, ku simaha safiirka Imaaraadka ayaa waxa uu  sidoo kale sheegay inay gacan ka gaysan doonaan abaarta baaxadale ee ka jira Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markasta ku hawlan horumarinta danaha shacabka iyo sidii ay beesha caalamku gacan uga geysan lahaayeen wax walba oo horumar u ah Puntland, isla markaana waxa uu madaxweynuhu diyaariyey qorshe ay Dawladda Puntland shacabkeeda kaga taageerayso abaaraha baaxadale ee ka jira dalka iyo sidii ay gurmad joogto ah ugu fidin lahayd dadka abaaruhu sameeyeen ee reer Puntland.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUTNLAND.img_9533img_9534img_9535img_9539img_9541img_9542img_9545

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com