Sawirro-Madaxweyne Gaas oo dalacsiiyey saraakiil tababar kusoo qaatay Itoobiya.

Garoowe, Nov 19 2016–Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 19 November, 2016 waxa uu dallacsiiyay saraakiil ka tirsan ciidamada daraawiishta  Dawladda Puntland , saraakiishaas oo tababar ciidan oo mudo laba sano ah kusoo qaatay dalka Ethiopia.

Saraakiishan  oo ah lix sarkaal ayaa soo qaatay tababar dhamaystiran oo dhinaca ciidanka ah waxayna diyaar u yihiin inay u shaqeeyaan dadka iyo dalka iyagoo aqoonta dhinaca ciidanka ee ay soo qaateen ku biirin doona qorshayaasha horumarineed ee ciidamada.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa shan ka mid ah saraakiishan  dallacsiiyay laba xiddiglayaal halka sarkaalka lixaadna uu Madaxweynuhu u dallacsiiyay saddex xiddigle , waxaana dhamaantood laga sugayaa inay dadka iyo dalka ugu adeegaan si daacadnimo ah.

Taliyaha guud ee ciidamada Dawladda Puntland General Siciid Maxmaed Xirsi “Siciid Dheere” oo madasha dallacsiinta saraakiishan ciidanka ka hadlay ayaa sheegay in ay usoo dhabar adaygeen tababar adag oo ay soo qaateen oo mudo labo sano ah  uga socday kulliyadda Mojor General Hayllom Araya ee dalka Ehiopia, isla markaana wixii hada ka danbeeya laga sugayo inay dadka iyo dalka ugu shaqeeyaan aqoonta ciidan ee ay soo qaateen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad kooban u jeediyay saraakiisha uu dallacsiiyay ayaa uga mahadceliyay sida wadaniyadda leh ee ay usoo dhamaysteen tababarkii loo diray laba sano ka hor , wuxuuna ku adkeeyey inay kasoo baxaan masuuliyadda ka saaran dadka iyo dalka iyo sidoo kale inay ka qayb galaan difaaca dhulka iyo dadka Puntland.

Ugu danbayn, Madasxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku howlan qorshayaasiisa ku salaysan tababarida iyo tayaynta ciidamada kala duwan ee Dawladda Puntland.

SAWIRRO

img_0097 img_0099 img_0106 img_0110 img_0113 img_0116 img_0125 img_0127 img_0132 img_0133 img_0137 img_0142 img_0145 img_0147 img_0150 img_0151 img_0158 img_0159 img_0161 img_0163 img_0167 img_0169

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com