Sawirro-Madaxweynaha Puntland oo soo afmeeray safarkiisii bariga Karkaar.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ee kormeerka shaqo ku marayey degaanada gobolada Bari iyo karkaar ayaa saaka subaxnimadii hore usoo kicitimay Degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa waxa uu dhagaxdhigay wado laami ah oo isku xiri doonta degmada Bandar-Bayla iyo Degmada Qardho,  wadadaas oo Madaxaweynuhu uu sheegay in wadadani lagu hirgelidoono isku tashiga Dawladda Puntland iyo shacabkeeda, isla marhaantaana tibaaxay in wadadani wax wayn ka tari doonto isu socdka labada degmo iyo horumarka gobolka Karkaar.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale soo kormeeray toga biyo gudood oo dhawaan ay ka hirgelisey Wasaarada Degaanka iyo Duurjoogta ee Dawladda Puntland biyo qabatin balaadhan oo ay ugu tala gashay in ay dadka degaanku ka faa’idaystaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa u soo kicicitimay dhanka degmada Qardho waxaana si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Dhuudo ee gobolka karkaar, isagoona soo kormeeray dhismaha  Boqor Cismaan alle ha’u naxariistee, dhismahaas oo ah mid la dhisay boqolaal sano ka hor.

Intaasi kadib Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa u soo kicitimay dhanka magaalada Dhudhub oo ay shacabka malaadasi si diiran u soo dhoweyen madaxweynaha Dawladda Puntland iyo weftigiisa. isla mar haantaana  waxaa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray ceel biyood ku shaqaynaya tamarta cadceed (solar) oo ay hirgelisey Hay’adda  Biyaha, Tamarta iyo khayraadka Dabiiciga ah ee Dawladda Puntland (PSAWEN).

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa mahad balaadhan u soo jeediyey Hay’adda  Biyaha, Tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Dawladda Puntland (PSAWEN) isagoona ku amaanay cadeeyeyna inay tahay haya’d ka shaqaysa rabitaanka shacabka isla markaana ay gacanta ku hayaan shaqaale hawlkarnimo, wadanimo iyo daacabnimo ay ku jirto.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa ayaa   soo gaarey degmada Qardho ee xarunta gobolka karkaar, halkaasi oo uu ku hakan doono mudo kooban kadibna uu hore ugu sii kicitimi doono Magaalada Garoowe ee Caasimada Dawladda Puntland.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.IMG_8299IMG_8312IMG_8317IMG_8339IMG_8351IMG_8361IMG_8362IMG_8381IMG_8384IMG_8412IMG_8426IMG_8443IMG_8447IMG_8455IMG_8458IMG_8464IMG_8466IMG_8469IMG_8470IMG_8479IMG_8486IMG_8487IMG_8489IMG_8493IMG_8507IMG_8510IMG_8522IMG_8529IMG_8533IMG_8538IMG_8541IMG_8551IMG_8568IMG_8574IMG_8581IMG_8591IMG_8595IMG_8597IMG_8618IMG_8622IMG_8629IMG_8633IMG_8637IMG_8641IMG_8644IMG_8646IMG_8653IMG_8663IMG_8668IMG_8673IMG_8676IMG_8680IMG_8683IMG_8688IMG_8693IMG_8695IMG_8702IMG_8707IMG_8712IMG_8730IMG_8741IMG_8746IMG_8748IMG_8757IMG_8759IMG_8762IMG_8767IMG_8774IMG_8779IMG_8797IMG_8810IMG_8821IMG_8825IMG_8841IMG_8847IMG_8869

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com