SAWIRRO-Madaxweynaha Puntland oo roob-doon kaga qaybgalay Garoowe.

Garoowe, Nov 21 2016-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 21 November, 2016  waxa uu ka qayb galay isu soo bixii roob doonta ee ka dhacay duleedka  magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo bulshada caasimadda Garoowe ayaa waxay duleedka Garoowe ku tukadeen Salaadda roob doonta, iyaadoo Madaxweynuhu uu ilaahay Subxaanahu Watacaalaa ka beryay inuu umaddiisa ka dul qaado abaarta iyo colaadda , isla markaana uu caafimaad siiyo inta xanuusan sidoo kalena uu ugu deeqo roob khayr qaba oo aan dadka iyo duunyada wax yeelin.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dawladda Puntland oo khudbad ka jeediyay isu soo baxa roob doonta ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in dhamaan umadda muslimka ah ay ilaahay u noqdaan isla markaana ay ka tanaasulaan wax kasta oo looga fogaan karo wanaagga iyo khayrka, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu duceeyey dhamaan bulshada in ilaahay uu ka dul qaado abaarta iyo colaadaha isla markaana uu roob khayra qaba ugu bedelo dhibaatada haysata.

” Waxaan isugu nimi roob doon iyo ilaahay inaan barino , waxaana loo baahan yahay inaan ilaahay ka baqno, inaan is cafino, in aanu towbad keeno, inta nugul ee jilicsan ee dhibaatadu haysato aan u naxariisano oo aan ugu gargaarno wixii aan awoodno si deg deg ah, ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu na cafiyo, ilaahayoow khatumada noo suubbi, ilaahow beddel khayr qaba ayaanu kaa barinay, ilaahow nasii roob khayr qaba oo aan dhibaato noo geysan, ilahow abaarta iyo colaadda naga saar” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaan umadda Puntland u rajeeyey in ilaahay uu ka saaro abaaraha iyo colaadaha isla markaana uu ugu bedelo barwaaqo iyo bash bash.


–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

 

img_0442 img_0446 img_0451 img_0452 img_0456 img_0462 img_0463 img_0466 img_0467 img_0468 img_0470 img_0473 img_0474 img_0481 img_0483 img_0485 img_0486 img_0492 img_0496 img_0498 img_0503 img_0504 img_0505 img_0509 img_0510 img_0513 img_0515 img_0518 img_0521 img_0524 img_0525 img_0528 img_0529 img_0531 img_0533 img_0535 img_0536 img_0538 img_0539 img_0543 img_0545 img_0548 img_0553 img_0554 img_0556 img_0558 img_0561 img_0564 img_0567 img_0575 img_0582 img_0584 img_0585 img_0591 img_0595 img_0597 img_0599 img_0601 img_0602 img_0605 img_0606 img_0615 img_0617 img_0621 img_0633 img_0635 img_0637 img_0638 img_0639 img_0640 img_0641 img_0642 img_0643 img_0644 img_0645 img_0646 img_0647 img_0652 img_0654 img_0657 img_0660 img_0663 img_0665 img_0673 img_0675 img_0681 img_0686 img_0689 img_0693 img_0697 img_0699 img_0702 img_0703 img_0704 img_0705 img_0710 img_0711 img_0715 img_0720 img_0721 img_0722 img_0724 img_0726 img_0729 img_0731 img_0735 img_0738 img_0740 img_0742 img_0744 img_0746 img_0749 img_0754 img_0761 img_0762 img_0768 img_0773 img_0776

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com