Sawirro iyo Warbixin-Sicdaalka Madaxweyne Gaas ee Carmi iyo Ceel-daahir.

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta 27 october 2016 waxaa si diiran  loogu soo dhoweyey degmada Carmo oo kamida ah degmooyinka  gobolka Bari, sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo dhoweyn kala kulmay bulshada ku dhaqan degaanka ceel-daahir waxuuna soo kormeeray mashruuca dhismaha wadada ceel-daahir Ceergaabo oo maraya bilow wanaagsan.

Soo dhoweynta Madaxweynaha  iyo weftigiisa ee loogu sameeyey degmada Carmo ayaa waxaa ka qayb qaatay Maamulka Gobolka Bari, maamulka degmada Carmo, masuuliyiin  ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, qaar ka mid ah issimada Puntland, qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Carmo iyo saraakiisha ciidamada Puntland.

Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo dhexlugeeyey degmada Carmo ayaa siwada jira u salaamay bulshada degmada Carmo ee ka qayb qaatay soo dhoweytiisa, waxaana dad weynaha ka muuqdey shucuur ka turjumaysa sida ay ugu farax sanaayeen booqashada madaxweynaha iyo wefdigiisa ee degmada Carmo.

Kadib soo dhoweynta wafdiga Madaxweynaha ee Carmo ayaa kulan ballaaran oo ay isku arkeen bulshada Degmada Carmo iyo Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa lagu qabtay xarunta Tababarada Booliska Soomaaliyeed ee Carmo, kulankaas oo ay ka qayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Carmo.

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kudbad muhiim ah ka jeediyay kulanka ayaa bulshada Degmada Carmo uga mahad celiyey sida wanaagsan ee ay ugu soo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa Degmada Carmo/ oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Bari.

Madaxweynaha oo la hadlayay bulshadii kulanka ka qayb gashay ayaa sheegay in ujeedka safarkiisu uu salka ku hayo sidii loo sii anba qaadi lahaa xiriirka wanaagsan ee ay bulshada Degmada Carmo la leeyihiin Dawladdooda Puntland.

” Aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa dadka reer carmo ee wadaniyiinta dhabta ah soo dhoweynta diirran ee ay noogu sameeyeen Degmada Carmo, waxaana ku amaanayaa sida wanaagsan ee ay ugu howlan yihiin ka qayb galka horumarka Puntland, haddii alle idmo waqti badan ayaan ku qaadan doonaa degmada Carmo waana ku hoyan doonaa caawa, inagoo su guud iyo si gaar ahba isu waraysan doona, Soomaaliya ha midowdo, Puntland ha israacdo, Bulshada Carmo ha guulaysteen” ayuu yiri Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

img_0006 img_0008 img_0011 img_0012 img_0020 img_0025 img_0028 img_0054 img_0061 img_0075 img_0079 img_0084 img_0089 img_0091 img_0103 img_0105 img_0110 img_0111 img_0120 img_0126 img_0129 img_0135 img_0137 img_0140 img_0149 img_0151 img_0155 img_0168 img_0178 img_0179 img_0181 img_0194 img_0204 img_0213 img_0225 img_0229 img_0235 img_0240 img_0250 img_0252 img_0257 img_0258 img_0265 img_0271 img_0276 img_0282 img_0287 img_0293 img_0306 img_0310 img_0323 img_0326 img_0327 img_0338 img_0341 img_0343 img_0350 img_0354 img_0358 img_0360 img_0368 img_0374 img_0380 img_0382 img_0386 img_0388 img_0390 img_0394 img_0397 img_0402 img_0411 img_0413 img_0417 img_0418 img_0420 img_0425 img_0438 img_0439 img_0446 img_0447 img_0449 img_0453 img_0454 img_0456 img_0458 img_0460 img_0462 img_0469 img_0472 img_0477 img_0479 img_0480 img_0481 img_0484 img_0490 img_0495 img_0496 img_0497 img_0499 img_0501 img_0505 img_0506 img_0510 img_0514 img_0515 img_0521 img_0524 img_0534 img_0536 img_0540 img_0545 img_0549 img_0551 img_0555 img_0558 img_0562 img_0566 img_0568 img_0569 img_0572 img_0575 img_0584 img_0585 img_0589 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com