Sawirro-Gudiga gurmadka abaaraha heer federal oo lacag kala wareegey Jaamacadda Carabta.

Muqdisho, Jan 31 2017-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha ee heer Qaran ayaa lacag dhan $91,835 ka gudoomay Safiirka Jaamacadda Carabta Amb Maxamed Cabdalla Idriis.

Mudane Carteh ayaa uga mahadceliyay Safiirka iyo dowladaha Carabta sida ay dadka Soomaaliyeed u garabtaagan yihiin.

“Dowladaha walaalaheena ah ee Carabta waxa aan uga mahad celinayaa sida ay nooga gacansiinayaan wax u qabashada dadka Soomaaliyeed, waa kuwii ugu horeeyay ee ka soo jawaaba baaqii guddiga uu u jeediyay caalamka; marnaba ma hilmaami doono caawinaadooda oo timid waqti loo baahnaa”.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa dadka Soomaaliyeed u cadeeyay in lacagtani ay ku bixi doonto meeshii loogu tala-galay.

“Waxa aan idiin cadeeynayaa in lacagtan aan gaarsiin doono dadkeena dhiibaateysan, ma dhici doonto in si kale loo isticmaalo, si banaan-yaal ah ayaana u soo bandhigi doonaa qaabka iyo nidaamka kharashaadka loo bixiyo”.

Ugu dambeeyn, Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday in ay dadkeena macluushu hayso u tafaxaytaan in ay quudiyaan gargaar degdeg ahna la soo gaaadhaan.

SAWIRRO

unnamed (1) unnamed (2) unnamed

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com