Sawirro-Farmaajo iyo Boris Johnson oo kulan xasaasi ah yeeshay.

Muqdisho, Mar 15 2017-Xoghayaha arrimaha Dibbada Dowladda Ingiriiska Boris Johnson ayaa maanta socdaal aan la sii shaacin waxa u ku yimid Magaalada Muqdisho.

Soo dhaweyn kadib Xoghaye Boris ayaa Madaxtooyada Villa Soomaaliya waxa uu kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), waxaana ay ka wada hadleen Abaaraha iyo Amiga.

Shir jaraaid oo ay Labada masuul si wada jir ah u qabteen ayaa ugu horeyn Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka hadlay Madaxweyne Farmaajo, isago oo sheegay  Labada Dowladood in uu ka dhaxeeyo xiriir aad u qoto dheer, wuxuuna xusay in uu ku faraxsan yahay socdaalka Boris, maadaama xaalad adag lagu guda jiro.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa intaasi ku daray in uu rajo weyn ka qabo in Uk ay gacan weyn ka geysan doonto la dagaalkanka Al-qaacidda.

Dhinaca kale Xoghayaha arrimaha Dibbada Dowladda Ingiriiska Boris Johnson ayaa Madaxweynaha ugu mahadceliyay qaabka loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho.

“Aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay Madaxweyne Farmaajo waqtigaada iyo sida aad noogu soo dhaweysay Soomaaliya, dhab ahaantii aad ayay noogu weyn tahay inaan halkan joogno, waxaad xoogaa nooga sheekeysay kheyraadka dabiiciga iyo Ahmiyada Soomaaliya, sidaasi daraadeed waa arin ceeb ah inaad wajaheysaan dhibaatooyin gaar ahaan Abaaraha iyo macluusha, waxaadna ogtihiin in Dowladda UK ay balan qaaday in ay bixineyso 110 Milyan oo Bound oo bilow u ah, waxaana xaqiijin doonaa in ay gaartay dadkii loogu tala galay”.

Mr. Boris Johnsan ayaa sheegay in sanadkan gudihiisa shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ay ku qaban doonaan Dalka Ingiriiska.

“Sanadkan waxaan London ku yeelan doonaa shir ku saabsan Soomaaliya, waxaan rajeynayaa Mudane Madaxweyne inaad la imaan doonto talaabooyinkaada dhinaca hoggaaminta, taas oo gundhig u noqon doonta dhismaha siyaasadeed iyo naqshadeynta amniga wadankan, si loo siiyo bulshada calamka kalsoonida ay rabaan in ay arkaan”.

Imaatinka Xoghayaha arrimaha Dibbada Dowladda Ingiriiska Boris Johnson ayaa ku soo aadaya xilli Abaaro ba’an ay ka jiraan dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolada, waxaana socda dadaalo dadkaasi lagu badbaadinayo.

SAWIRRO

Farmaajo-1-2-631x420 Farmaajo-3-2-630x420 Farmaajo-4-2-630x420

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com